SHAXDA ADEEGA KASTAMADA
Farriinta Agaasimaha
Xeerarka Kastamada Somalia waxay ku waajibinayaan wax-soodejiyeyaasha in ay bixiyaan cashuuraha kastamada, cashuurahaas lagu bixiyo barnaamjjyada kala duwan ee dawladda iyo adeegyada bulshada sida waxbarashada, daryeelka, caafimaadka iyo difaaca. Waxa aanu hirgalinaynaa hab kastam oo casri ah oo ku salaysan in baddeecaddu iskeed isku caddayso. Iyada oo qayb ka ah habkan, waxa aanu idin siinaynaa adeegyo aanu idinkaga caawinayno sidii aad u bixin lahaydeen cashuuraha idinku waajibay.
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Waaxdeeda Kastamadu waxay ka shaqaynayaan mabda’a aasaasiga ah si ganacsatada iyo safreyaashuba ugu hogaansamaan ama u raacaan xeerka marka si ixtiraam iyo caddaalad ah loola dhaqmo, lana siiyo dhammaan xogta, talada, kaalmada iyo adeegyada kale ee ay u baahanyihiin si ay u fuliyaan waajibaadkooda.